Man City oo dooneysa inay dhabarka ka jebiso kooxda Arsenal

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ballaaran ku qabto inay qiimo lacageed dhan 100 milyan oo ginni kusoo xerogelin doonto laba xiddig oo muhiim u ah kooxaha Arsenal iyo Tottenham waana Alexis Sanchez iyo Kyle Walker.

Man City ayaa dooneysa inay dhabarka ka jebiso kooxaha kula xifaaltama horyaalka England Premier League, waxayna xagaagaan lasoo wareegeysaa Alexis Sanchez iyo Kyle Walker, iyadoo heshiiskoodu uu wadar ahaan ku kacayo 100 milyan oo ginni, sida laga soo xigtay majaladda Daily Mirror.

Tababaraha kooxda Citizens Pep Guardiola ayaa u sheegeya maamulka kooxdiisa in labada saxiix ee ugu muhiimsan ay noqon doonaan gooldhaliyaha Arsenal Sanchez iyo daafaca dambeedka midig ee Tottenham Walker, kuwaasoo uu aaminsan yahay inay kooxdiisa ka dhigi karaan mid u tartanta hanashada koobka EPL xilli ciyaareedka soo aadan.