Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu Shalay la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Mudane Geelle ayaa sheegay in uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale sidii loo hormarin lahaa dhaqaalaha labada dal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu maanta ka qeyb galo furitaanka deked cusub oo laga hirgaliyay dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa shalay booqasho ku tagey dalka Djibouti.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.
Madaxweynaha ayaa sheegay in jeedka Safarada badan looga kol leeyahay horumarinta Xiriirka Caalamiga ah .



