Dawladda Faransiiska ayaa sheegtay in ciidammadeeda ku sugan Galbeedka Afrika ay dileen 20 ka mid ah malayshiyo ku sugan kayn u dhaw xadka Mali ay la wadaagto Burkina Faso.
War ka soo baxay ciidammada Faransiiska ee ku sugan gobolkaas ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay ka qaybqaateen diyaaradaha dagaalka iyo ciidammo afantari ah.
Ma aysan shaacinin cidda ay ka tirsan yihiin malayshiyadaasi.
Askari Faransiis ah ayaa aagaas lagu dilay horraantii bishan.
Mali waxaa ka dhaca weerarro joogto ah oo ay gaystaan kooxaha Jihaad doonka ah inkastoo milatariga Faransiisku ay hawlgal ka fuliyeen dalkaas 2013kii, si ay dadka jihaad doonka ah uga saaraan magaalooyinka waqooyiga ku yaala.
Afhayeen u hadlay milatariga Faransiiska ayaa sheegay in malayshiyada lagu bartilmaameedsaday kaynta Foulsare oo ku taalla koonfurta galbeed ee gobolka Gao.
Baarlamaanka Mali ayaa Sabtidii u codeeyay in lix bilood lagu kordhiyo xaaladdii degdegga ahayd ee dalkaasi ka jirtay si wax looga qabto weerarrada dalkaas ka dhaca.
Qalalaasaha ayaa sidoo kale ku fiday dalka ay dariska yihiin ee Burkina Faso.



