Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa balan qaad u saameeyay Ciidamo loogu tala galay in ay sugaan Amniga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Mudane Kheyre ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay heli doonaan daryeel joogto ah,islamarkaana laga doonaayo in ay si hufan ay ugu shaqeeyaan bulshada Soomaaliyeed.
Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo u dagaalamaya sidii magaalada Muqdisho amnigeeda loo xaqiijin lahaa.
Waxaa uu ugu baaqay Ciidamada loo diyaariyay Suggida Amniga Magaalada Muqdisho in ay naftooda u huraan shacabka.



