Magacyada Xildhibaanada kusoo baxay Doorashada Hada ka socota Garowe

Doorashada Aqalka Hoose ayaa Wali ka socota Magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland .

Doorashada Saaka ka socota Garowe waxaa kusoo baxay xildhibaano cusub oo ka mid noqon doona Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga 34-aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka hoose oo ah kursiga Dhulbahante/Reer Khaalid, waxaa ku guulaystay Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48cod, halka Axmed Ibraahim Cawaale ( oo aan xarunta joogin) uu helay 2cod, waxaa xumaaday 1cod.

Kursiga 33aad ee Puntland ku yeelanayso Aqalka hoose oo ah kursiga Dhulbahante/Jaamac Siyaad, waxaa ku guulaysatay Canab Xasan Cilmi oo heshay 45cod, Ifraax Nuur Maxamed waxay heshay 4cod, 1 codna waa  uu xumaaday.

 Doorashada ayaa Wali Socota.