Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa goor dhow Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka soo degtay Diyaaradii siday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana Diyaarad qaas ah ay ka keentay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin, Odayaal dhaqameedyo iyo Haween iyo xubno kale.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uga dhawaaqo Ololihiisa Musharaxnimada.

Sheekh Shariif ayaa waxaa ammaankiisa sugi doona Ciidamada AMISOM iyo ciidamo gaar ah, waxaana uu noqonayaa musharaxii u horeeyay ee ay ilaaliyaan ciidanka AMISOM.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu dambeysay Magaalada Muqdisho Afar sano ka hor, gaar ahaan sanadkii 2012-kii