DHAGEYSO: Xaalado adag oo la soo deristay Qaxootiga Dhadhaab

Kenya-RisaalaFM- Sida ay ku waramayaan Warbaahinta Gudaha Dalka Kenya waxaa laga deyrinayaa xaalada Cafimaad ee ay ku nool yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xerada Dhadhaab.

Warbaahinta Gudaha Dalka Kenya ayaa sheegtay in goobaha Caafimaad, Waxbarasho iyo sidoo kale nolosha Qaxootiga Soomaaliyeed ay hoos u dhacday.

Kumanaan Qaxooti Soomaliyeed ah ayaa hada Dalka dib uga soo laabtay tan iyo markii Dowladda Kenya ay shaacisay in ay xireyso Xerada Dhadhaab oo ah Xerada ugu weyn ee ay ku nool yihiin Qaxootiga Aduunka.

Qaar ka mid ah waalidiinta ku nool Xerada Dhdhaab ayaa warbaahinta u sheegay in caruurooda aysan heysan Waxbarsho ku filan sidoo kalena xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay weerarada Shabaab ay ka geystaan Dalka Kenya in laga soo abaabulo Xerada Dhadhaab, waxaana arintaasi ay keentay in Qaxootiga laga soo raro Xerada Dhadhaab.

Qaxootiga Aduunka ayaa tirdaooda Guud waxaa lagu qiyaasay in ay yihiin Lixdan iyo Afar Milyan, waxaana Soomaaliya ay tahay Dalka Saddexaad ee ugu badan Qaxootiga.