Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir uga qeyb galaya dalka Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Todobaadkan Gobolka Minnasota ee dalka Mareykanka kaga qeybgalaya furitaanka Shir Madaxeedka Afrika ee 2024.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa iyaduna khudbad muhiim ah ka jeedin doonta, waxayna bulshada uga warami doontaa siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrika.

Annette Weber, oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku soo biiri doonta shirka, waxayna warbixin ka siin doontaa xaaladaha Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doona Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaas.