Ardayda kunool degaannada Khaatuma oo markii ugu horreysay ka qeyb galaya Imtixaanka Dowladda

Iyada oo la filayo in Maalinta Berito ah guud ahaan dalka marka laga reebo degaannada Maamulada Puntland iyo Somaliland uu si isku mid ah uga billaawdo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada soomaaliya ayaa sanadkaan markii ugu horreysay waxaa ka qeyb galaya ardayda kunool degaannada Maamulka Khaatuma.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS Nuuro Mustaf Mukhtaar in dhawaan degaannada Maamulka Khaatuma iyo kuwa laga xorreeyay Al-Shabaab la geeyay Manhajka waxbarashada dalka, isla markaana imtixaanka sanadkaan ay ka qeyb geli doonaan.

Waxaa ay sheegtay in guud ahaan la gaarsiin doono imtixaanka degmooyinka iyo degaannadii ugu dambeeyay ee laga saaray ururka Al-Shabaab, halkaas oo dib loo howlgeliyay Goobihii waxbarashada.

Si kastaba sanad kasta dowladda Soomaaliya ayaa qaada Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga, waxaana ka qeyb gala Boqolaal Kun  oo Arday, kuwaas oo ku kala sugan Muqdisho iyo Gobolada dalka.