Putin oo ku dhawaaqay qorsho wax looga bedelayo nukliyeerka

Putin ayaa ku dhawaaqay isbeddel ay ku sameynayaan nukliyeerka si loogu beddelo hub fudud oo loo adeegsan karo dagaalka, tan oo xataa uu sheegay reer galbeedka inay ku howlanyihiin.

Sidoo kale wuxuu caddeeyay in khubarada reer galbeedku ay u arkaan in ay suurtogal tahay in nukliyeerka loo isticmaalo dagaal caadi ah, taa oo uu sheegay  isbeddellada suurtagalka ah ee istaraatiijiyadda oo Ruushka uu ku sameynayo nukliyeerka si uu dagaallada ugu adeegsado inay la xiriirto.

Wadamadda Reer Galbeedka ayaa isha ku haaya tallaaba kasta oo uu qaadayo Ruushka oo dagaal adag kula jira waddanka Ukraine, dagaaladaas oo Boqolaal Ruux ay ku geeriyoodeen.