Ciidamada Burundi Secter 5 oo kamid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa Maanta banneeyay Saddex Xero oo ay kaga sugnaayeen Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Maaliyadda Hir-shabeelle Cabdiraxiin Ciise Cadow, Saraakiil katirsan Ciidanka xoogga dalka & Mas’uuliyiin kale.
Janeraal Ibraahim Yuusuf oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inay Ciidanka xoogga dalka si buuxda ula wareegeen Saldhigyadii ay banneeyeen Ciidamada ATMIS.
Waxaa meelo badan oo kamid ah dalka ka socda wajiga 3aad ee dhimista Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.