Madaxweyne Xasan sheekh oo Booqasho Hal maalin ah ku tagay dalka Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nayroobi halkaas  oo uu ku joogayo safar shaqo oo hal maalin ah.
Madaxweynaha ayaa kulan la qaadan doono dhiggiisa dalka Kenya Wilam Ruto oo ay kaga arrinsanayaan , iskaashiga labada dal la dagaalanka Alshabaab iyo danaha Soomaaliya iyo Kenya.
labada Madaxweyne ayaa la filyaa in ay soo saaraan baaq Wadajir ah oo ku saabsan qorshaha iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya xoojinta wada shaqeeynta ka dhexeysa labada dawladood.