Faafaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal Beeleed ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose una dhexeeya Laba beelood oo wada dega Degmadaas.
Ugu yaraan Laba qof ayaa ku geeriyootay tira kalena waa ay ku dhaawacmeen Dagaalka ayaana sii xoogeystay Walina ma Jirto cid kala dhexgashay.
Waxaa Dagaalamay Ciidamada Deegaanka oo Qaab qabiil u kala saftay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaana dhawaan ay aheyd markii sidaan oo kale uu dagaal ka dhacay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.



