Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Xaaf ayaa maanta furay kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada Barlamaanka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaanada Galmudug in ay dardargeliyaan Shaqooyinka horyaalla.
Waxaa uu sheegay in Galmudug xilligaan ay ka jiraan caqabado waa weyn , sida dagaallo iyo Abaaro.
Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa laga doonaayo meel marinta Sharciyo dhowr ah Sida:
Ansixinta Tariifada canshuur aruurinta wasaarada Maaliyadda.
. Ansixinta Siyaasadda wasaaradaha.
. Ansixinta Sideed hindise Sharciyeed Iyo shaqooyin kale.




