Madaxweyne Qoor Qoor, Wasiirka Gaashaandhigga & Taliyaha NISA oo gaaray Ceelgaras

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray Aagga deegaanka Ceel-garas ee gobolka Galgaduud oo maanta laga saaray Alshabaab .

Masuuliyiintan ayaa Bogaadiyay Ciidamada Qaranka iyo xooggaga difaaca Shacabka ee Alshabaab ka saaray  deegaano Badan oo dhaca Bariga Galgaduud waxaana ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen in Shacabka Ceel-garas laga dulqaaday Alshabaab oo muddo badan halkaas maamulayay .

Socdaalka degaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ay ku tageen madaxdaan ayaa ku soo aadeysa Xilli barqadii  maanta Ciidamada Dawlada Federaalka & kuwa degaanka ay la wareegeen gacan ku heynta degaankaas.