Sida uu qorshuhu ahaa Dowladuna ayaa horey u shaacisay shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD waxaa lagu waday in uu Maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya , laakiin dib ayuu dhacay sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan laamaha kala duwan ee dowladda.
Shirka ayaa lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka furmo maalinta Talaada ah oo ku beegan 13 bishaan.
Shalay dowladda Soomaaliya waxa ay qaaday Go’aan ay ku xirtay inta badan wadooyinka Muqdisho oo ilaa iyo saakay u xiran sidii shalay loo xiray waxaana dadweynaha ay maalayaan lugahooda , waxaana la arkaayo , iyaga oo koox koox u socda wadooyinka Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho , waxa uu sheegay in ay sabab u tahay Shir Madaxeedka IGAD oo ay Muqdisho Marti gali doonto.
Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay soo gaaraan hogaamiyeyaasha 7 dal oo kamid ah dalalka ku bahoobay Urur Goboleed IGAD.
Madaxweynayaasha Jabuuti , Koonfurta Sudan ,Sudan , Kenya, Ethiopia, Uganda ayaa lagu wadaa in ay shirka ka qeyb galaan .
Waxaa Soo baxaya in hogaamiyeyaasha Qaarkood aysan suurtagal aheyn in ay yimadaan Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dowladda Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa laga cabsi qabaa in uu ka baaqdo shirka sida ay ku waramayaan qaar ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa dalka Sudan.
Wargeyska Awal East Afrika ayaa ku waramay in Madaxweynaha Sudan uu ka baaqan doono Shirka Madaxda urur goboleedka IGAD oo lagu wado in uu Talaada ka furmo magaalada Muqdisho.
Wargeyska ayaa qoray in Madaxweynaha Sudan uu soo dirsan doono wakiil u ma tali doono shirka IGAD , Waxaana lagu wadaa in uu Muqdisho soo gaaro Wasiirka arimaha dibada dalka Sudan ama Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.
Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa goobaysa Maxkamada Danbiyada Caalamka ee ICC , waxaana loo heystaa danbiyo uu qalay.
Waxaa sidoo kale la sheegaya in Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka walwalsan yahay imaanshaha magaalada Muqdisho xilli uu xumaaday xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.
Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Joojisay Qaadkii ka imaan jiray gudaha dalka Kenya Sababo la xariira faragashi ay dowladda Kenya ay ku sameysay Madax banaanida Soomaaliya.
Madaxwyne Uhuru Kenyatta ayaa ka cabsi qaba hadii uu aado Soomaaliya in ay dalkiisa ka dhacaan banaanbaxyo looga soo horjeedo.
Warbaahinta dalka Kenya ayaa qortay in uu ka qeyb gali doono shir Madaxeed IGAD , islamarkaana uu wada xaajood la gali doono dowladda Soomaaliya , kasoo ku aadan in dib loo fasaxo duulimaadyadii Qaadka.


