Waxaa maalinkii Shanaad si habsami leh uga socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran.
Weli waxaa la isku mari la’ayahay arrinta la xiriira dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga Gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.
Warar ay heshay idaacadda Risaala ayaa sheegaya in maanta la soo gaban gabeyn doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.
Hadaba shirkaan sameynta uu ku yeelan karo Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ka hadlay Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo uu kamid ah yahay Siyaasiga Caydaruus Maxamed Cabdi.
Waxa uu sheegay in shirkaan Mudada dheer ka socda magaalada Muqdisho ay suurta gal tahay in uu dib u dhaca ku yimaado Doorashada Soomaaliya Markale.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay , islamarkaana ay haboon tahay in la tixgaliyo go’aankii Beesha Caalamka.
Hogaamiyeyaasha Madasha ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan in doorashado ku dhacdo waqtigii loogu talagalay.


