Madaxweyne Geelle oo dhagax dhigay safaarada Jabuuti ee Soomaaliya “SAWIRRO”

 Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, taasi oo bur bursanayd.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tilmaamay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah, maadaama uu dhagax dhig ku sameeyay xaruntii hore ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in taasi ay tahay mid sii xoojineyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhankiisa sheegay dib u dhiska safaarada Jabuuti ee Soomaaliya in ay qeyb ka tahay hormadarada balaaran ee uu dalka ku talaabsanayo.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku shaqeynayay xarun KMG ah oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wixii maanta ka dambeeya marka la dhameystiro dhismaha xarunta safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya uu u soo wareegi doonaa xaruntiisa cusub.

Labada Madaxweyne ayaa dhagax dhiga kadib waxa ay si toos ah u soo aadeen xarunta Ciidanka Cirka Afasiyooni ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka dhacday Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo.

 

Jabuuti 1 jabuuti 2 Jabuuti 3 jabuuti 4 jabuuti 5 jabuuti 6