DHAGEYSO: Farmaajo oo baaq u diray Shabaab

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta lagu Caleemo Saaray Magalada Muqdisho ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu kaga hadlay Amniga, Abaaraha, Musuq maasuqa, dib u dhiska Ciidanka iyo Dagaalka ururka Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Shabaab in ay u sheegayaan maanta laga bilaabo in aysan isku qarxin dadkooda Soomaaliyeed ee walaalahooda iyo in aysan bur burin hantida dalkooda uu leeyahay, maadaama dalka uu ku jiro dib u dhis.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Shabaab in ay uga digayaan in ay hor istaagaan hormarka dalka, si aanay shacabka u noqon kuwo niyad jabsan.

Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan dhalinyarada Shabaab ku jirta ee uu sheegay in la qalday, isagoo sidoo kale sheegay in ay shaqo abuur u sameynayaan.

Shabaab ayaa Dagaal kula jira Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, waxaana ay mararka qaar weeraro ka geystaan xarumaha Ciidanka Dowladda ee ku yaalla Gobolada Dalka iyo Magaalada Muqdisho.