Badhan-RisaalaFM- Waxaa maanta degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku geeriyooday Suldaan Xasan Cali Jibriil, kadib markii askar ka tirsan ciidamada gobolka ku sugan ay rasaas huwiyeen gaari uu watay Suldaanka xilli uu ku soo dhawaaday goob gaadiidka lagu baaro.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan Degmada Badhan maalintii Afaraad, ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid marxuun Suldaan Xasan Cali Jibriil.