Muqdisho-RisaalaFM- Wararka aan ka heleyno suuqa Seybiyaano ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacday toogasho loo geystay ruux watay gaari nuuca raaxada ah.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen ciidan watay gaari nuuca dagaalka ah oo dowladda ka tirsan inay gadaal ka toogteen wiil dhalinyaro ahaa oo watay gaari yar, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Dayax Iimaan Xasan Jiirow.
Ciidanka toogashada geystay ayaa socodkooda iska sii watay, waxaana aagga uu dilka ka dhacay soo buux dhaafiyay shacab fara badan oo daawanayay sida ay wax u dhaceen.
Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen meydka ruuxa la dilay oo la sheegay inuu ka tirsanaa waaxda dhul bixinta gobolka Banaadir.
Maanta oo keliya waa dilkii Saddexaad ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii saakay la dilay askari boolis ahaa iyo gabar dhiganeysay Jaamacadda Soomaaliya.