Madaxweyne Gaas: “Haloo gar gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen”

Garowe-RisaalaFM- Goalaha Wasiirada maamulka Puntland oo xalay shir ku yeeshay magaalada Garowe ayaa waxa ay kaga hadleen kulankooda xaaladaha amaan iyo abaaraha ka jira deegaanada Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoominayay kulanka waxaana inta badan kulanka diirada lagu saarayay arimaha amniga, ka qeyb galka shirarka dibada iyo warbixino kale.

Wasaarada amniga maamulka Puntland ayaa Golaha Wasiirada maamulka Puntland waxa ay warbixin ka siisay xaalada amni ee deegaanada Puntland waxaana ay faah faahin ka bixisay falalkii amni daro ee dhowaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Golaha Wasiirada maamulka Puntland ayaa warbixin waxa ay ka dhageysteen Guddiga xaaladaha abaaraha oo ka warbxixyay sida ay hada u howlgalaan islamarkaana heerka ay gaar siisan tahay abaarta iyo inta ay la egtahay gurmadka loo sameeyay dadka ay saameeyeen abaaraha.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Golaha Wasiirada maamulka Puntland waxa uu usheegay in loo diyaar garoobo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha, islamarkaana aan la sugin ilaa dadka ay ka gaaraan heer dhimasho.