Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye 600 oo dhalinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Boqolaal dhalinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda.
“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaaga in ay nafootadau huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.”



