Madaxweyne Farmaajo oo Safarkii 8-aad dalka kaga baxaya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in todobaadkaan Gudihiisa in uu taggo Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfitaax Al-siisi.

Labadda Madaxweyne ayaa lagu waddaa in ay ka wada hadlaan xiriirka ka dhaxeeya labadal iyo sidoo kale taageerada dowladda Masar ay siiso dowladda Soomaaliya.

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu ku tagaayo dalka Masar tan iyo markii loo doortay xilka Madaxtinimada Soomaaliya 8 Bishii February ee sanadkaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.