Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goor dhow ka duulay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu kusii jeedaa dalka Qadar , halkaasoo uu kaga qeyb galaya Shir Caalami ah oo lagu magacaabo Doxa Forum.
Ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Risaala u xaqiijiyay in uu kulamo kala duwan uu la qaadan doono Mas’uuliyiinta dalkaasi.
Dowladda Qadar ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera dowlada Sooomaaliya.
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu dalka kaga baxo Ra’iisul Wasaare Kheyre tan iyo markii la magacaabay.



