Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ku wajahan Magaalada Cammaan ee dalka Jordan halkaasi uu kaga qeyb gali doono Shir Madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta.
Saraakiil ka tirsan dowladda Jordan ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka mid yahay Madaxda ka qeyb galaysa Shirkaasi.
Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa Berri ka furmaya caasimada dalka Urdun ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya hogamiyeyaal badan oo ka socda Wadamada Jamacadda Carabta.
Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah Abaaraha ka jira Soomaaliya ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda Yemen.
Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.



