Dadka kunool Shabeellaha Dhexe oo loo digay

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha  Dhexe ee maamulka Hirshabeelle  Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay Bulshada kunool degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe in ay ka tiktoonaadaan Fatahaad uu sameyso Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Gudoomiyeyaasha  degmooyinka gobolkaas  uu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan suurtagalnimada fatahaado laga yaabo in uu sameeyo webiga Shabelle oo mara deegaanno badan oo gobolkaasi ah.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay sameyn doonaan dadaallo kala duwan oo lagu doonaayo in looga hortago fatahaada Webiga Shabeelle.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa inta badan Bulshada kunool waxa ay fatahaad khasaare badan geysata ay kala kulmaan webiga Shabeelle.