Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, waxaana sababta uu u tagay Baydhabo ay tahay ka qeyb galka Caleemasaarka Madaxweyne Laftagareen.



