Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu Caawa soo xiro Shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug kaas oo in ka badan 10 Cisho ka socda Magalada Dhuusamareeb.
Munaasabad lagu soo xirayo Shirka ayaa goordhow waxaa ay ka bilaabaneysaa Magalada Dhuusamareeb,waxaana goobjoog ka noqonaya,wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynaha Galmudug Xaaf,Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug iyo dhamaan Ergadii shirkaasi ka qeyb-galeysay.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo xeritaanka Shirkas,isaga oo kaga hadli doono Arrimo dhowr ah
Ammaanka Guud ee Magalada Dhuusamareeb ayaa Caawa aad loo adkeeyay,waxaana siweyn halkaasi looga dareemayaa soo xeritaanka Shirka dib u heshiisiinta Galmudug.



