Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul waxaa uu kaga hadlay falalka amni-darro ee kusoo kordhay deegaannada Maamulkaas iyo weerarada ay ka fuliyaan Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in wax badan ay qarsadeen xaaladaha Amni-darro ee ka jira Hir-Shabeelle balse ay haatan gaartay heer aysan qarsan Karin,waxaana uu hadalkiisa intaasi ku daray in Al-Shabaabkii ku sugnaa deegaannada Gobolka Shabellaha Hoose ay u soo guureen deegaannada Hir-Shabeelle.
“Runtii howlgallo ayaa ka socda Shabellaaha Hoose,aniga dadka halkaasi degan waan rabnaa in cadawga laga dulqaado,balse weli lama dhameyn waayo Al-Shabaabkii ku sugnaa Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa uu u soo guuray deegaannada Hir-Shabeelle ayuu yiri”Madaweyne Waare.
Sidoo kale waaa uu sheega in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadka reer Hir-Shabeelle inay siwadajir ah wax uga qabtaan dhanka Amniga iyo arrimaha la xiriira kaabayaasha Dhaqaalaha.
Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Maalin ka hor weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Jowhar & Balcad lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.



