Ilo lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda Risaala u xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta tagaayo Magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay Sababta u taagayo Baydhabo in ay tahay in soo Arko xaaladda Abaareed ee ka jirta Koonfur Galbeed.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada lasoo dhigay qeybaha kala duwan ee Ciidamada.



