Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay doorashadii ku celiska aheyd.
“Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan dowladda iyo shacabka Kenya ugu hambaliyeynayaa guusha dimuqraadiyadeed ee ay gaareen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
“Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya” ayuu hadalkiisa intaasi kusii daray
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay Hambalyo ugu diray Madaxweynaha Kenya Markii uu ku guulaystay ka hor inta aan la shaacin doorashadda in ay tahay ku celis.



