Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah madaxda Maamul goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan degaanada koofur galbeed.
Shariif Xasan ayaa sheegay in Al-shabaab ay askareeyaan isla markaana ay dagaal geliyaan Caruurta, waxa uu xusay waalidiin fara badan Caruurtooda ay si qasab ah kaga wateen.
Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab la sii xoojiyo oo meel loogu soo wada jeesto si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.
Shariif Xasan ayaa ku baaqay in madaxda dowladda ay taageero u muujiyaan Ciidamada dowladda ee ku howlgala degaanada Koofur galbeed.


