DHAGEYSO: Darawaladda Muqdisho oo ka hadlay Go’aankii maamulka G/Banaadir

Qaar ka mid ah Wadayaasha Gawaaridda dadweynaha ayaa ka hadlay Go’aankii shalay ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Go’aanka maamulka gobolka Banaadir,islamarkaana ay dhibaato weyn ku qabeen maridda wadada.

Warka kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa la xariiray Gaadiidka Xamuulka  in aysan qaadi karin rar Gaariga ka badan, cidii amarkaas fulin weydana in lagu ganaaxi doono lacag dhan 10 Million oo Sh.S.

Sidoo kale Wareegtada kale ayaa waxa ay ku saabsan tahay Gawaarida Booyadaha iyo kuwa xamuulka in magaalada aysan mari karin maalinkii, keliya ay socon karaan 08-da fiidnimo ilaa 07-da Subaxnimo.