Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka hadlayay xabaallihii lagu aasay 9 askari oo boolis ah oo ku dhintay weerar ka dhacay deegaanka Go’da yar ee duleedka Hargaysa Jimcihii la soo dhaafay ayaa sheegay in qaranka looga fadhiyo in cid kasta oo gacan ka gaysatay dilka askartaasi sharciga la hor geeyo.
“Qaranka Somaliland seddex qodob baa la gudboon oo kali ah, marka hore ciddii shirqoolkaa iyo dilkaas gaysatay, mid abaabulay mid caawiyay iyo mid gacanta gaystayba in la horkeeno sharciga, oo sharciga sida diinta islaamku ogoshahay la mariyo, waa waajib qaranka saaran dad iyo dawladba, xukuumadduna ay garwadeen ka noqonayso, hay’addaha sahrciga waxa la farayaa in ay hawshaa soo dhamaystiraan raadkeeda”. Ayuu yiri Madaxweyne Biixi
Madaxweynaha oo watay khamiis cad lana hadlayay warbaahinta, aaska kaddib ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay cadow badan.
“Waxa weeye qaranka Somaliland inaan daafacno halgan badan baa loo soo galay, cadow badan buu leeyahay, meelo badan baa nalaga weerarayaa, inaynu qaran ahaan mideysnaano, oon qaranka daafacno waa tallaabo labaad oo nala gudboon”. Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.



