Madaxweyne Axmed Madoobe oo Magacaabay Wakiilka Jublabd ee Kenya

Madaxweynaha Jubaland Maamulka Axmed Maxamed Islaam ayaa si rasmi ah u magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu magacaabay wakiilka cusub ee Jubaland u qaabilsan waddanka Kenya sida ay shaacisay madaxtooyada Kismaayo.

Sadik Abdullahi Bogale ayaa loo magacaabay wakiilka Jubaland u qaabilsan dalka Kenya sida ku cad dikreetada ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

“Wuxuu madaxweynaha Jubaland u magacaabay Mudane Sadik Abdullahi Bogale

Wakiilka dowladda Jubaland u Jooga dalka Kenya” ayaa lagu yiri dikreetada rasmiga ah ee magacaabista.