Baarlamaanka Puntland oo wada qorshe Muddo Kordhin loogu sameynayo Madaxweyne Deni

Xildhibaannada baarlamanka Puntland ee ka tirsan xisbiga Kaah  ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne i Deni ayaa  wararku sheegayaan in maalmihii la soo dhaafay Baarlamaanka Puntland  ka dhex waday olole  mudda kordhinta loogu sameynaayo Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni  .

Warar  ayaa  sheegaya la diyaariyay  mooshin lagu ansixinayo mudda kordhin laba sano ah loogu sameynayo Madaxda  Maamulka Puntland.

Talabada  ay qaadeen  Xildhibaanada Xisbiga Kaah ee ku  jira Baarlamaanka Puntland ayaa la sheegay in ay ka careysiisay  Siyaasiyiinta Mucaaradka ah kuwaas la sheegay in qorsheynaya sidii  Jawaab ay uga bixin lahayeen  damaca Muddo kordhinta  eek u fikirayaan Xildhibaanada Taageersan Madaxweyne Deni

Muddo xileedka Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in ay wax ka yar 3 bilood  ay ka hartay Waxana siyaasiyiinta  Mucaaradka Puntland  ay doonayaan in deg deg ku dhacdo doorashada Madaxweynaha .