Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Baydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan K/Galbeed, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Shalay Magaalada Baydhabo waxaa gaaray wafdi hordhac u ahaa safarka Madaxweynaha, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka Magaalada Baydhabo.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Golaha Wasiirada Maamulkaasi.