Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta dalka Suuriya ugu yaraan Saddex Askari ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradaha dagaalka israaiil ay ka geysteen Magaalada Waqooyiga Galbeed ku taalla ee Guneit.
Weerarka ayaa ka dhacay Xero ay degan yihiin ciidamada dowladda Suuriya.
Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sheegtay in sidoo kale ay jiraan Ciidamo ku dhaawacmay duqeyntaasi.
Madaxweynaha Suuriya ayaa falkaasi lagu dilay Askartiisa ku tilmaamay mid daandaansi ah.



