Madaxweynaha Soomaaliya oo cafis ufidiyay Maxaabiis

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabada Ciida darteed waxaa uu cafis u fidiyay boqol maxaabiis ah kuwaas oo ku jirey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho kuna eedeysanaa danbiyo kala duwan.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa tiro ahaan gaarayay 100 maxbuus kuwaas oo ka faa’iideystay munasabada ciida darteed markii uu madaxweynuhu amrey in la sii daayo.

Madaxweyne Xasan waxaa uu daboolka ka qaaday in qofka bini’aadamka uu qalad geli karo balse qofka ugu wanaagsan uu yahay midka qaladkiisa ka soo laabta ama ciqaabtiisa mara.

Mar uu ka hadlayay Madaxweynaha ujeedka dhalinyaradaas loo cafiyay ayuu sheegay in ay tahay sidii ay waqtigooda kaga faa’ideysan lahaayeen islamarkaana uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda iyo dadkooda.