Madaxweynaha Somaliland oo ku wajahan Kenya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago wadanka Kenya Sidda ay xaqiijyeen Siyaasiyiin ka mid ah  Xisbiga Kulmiye oo la hadlay Warbaahinta degaanada Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filaya inuu dhamaadka bishan November uu socdaal shaqo ku tago wadanka Kenya, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wadanka Kenya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in la filayo kulan dhexmara madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyada oo socdaalkana ay ka shaqeeyeen siyaasiyiin miisaan culus leh oo ka soo jeeda wadanka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in Xafiis qaabilsan Arrimaha Somaliland ay furi doonto, islamarkaana Somaliland ay si gaar ah ula tacaamuli doonto.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn looga hadalhaya Magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana dhici karta Sidda Siyaasiyiinta Somaliland ay sheegayaan in Somaliland iyo Kenya ay gaaraan Heshiisyo wax ku ool ah.