Madaxweynaha Ruushka oo xulufo u aqoonsaday Kooxda Taalibaan

Madaxweynaha Ruushka , Vladimir Putin ayaa ku sheegay ururka Taalibaan ee hoggaamiya dawladda Afgaanistaan xulafada Ruushka ee dagaalka lagula jiro argagixisada.

Wixii ka horreeyay 2021, dunidda oo dhan waxay u aqoonsanayd Taalibaan urur argagixiso , kuwaaso adkaysi u yeeshay dagaal muddo 20 sanno socday oo ay iska caabiyeen Mareykanka iyo xulafadiisa NATO illaa ay si rasmi ah ula wareegeen xukunka.

Maanta waxay joogaan in Ruushka oo ah quwadaha ugu weyn adduunka ee ku hubaysan Nukliyeerka inuu u aqoonsado xulafo muhiim ah ee la-dagaallanka argagixisada, tan oo ku soo aadaysa xilli uu Ruushka ku dhawaaqay inuu xoojinayo dagaalkiisa ka dhanka ah Daacish oo uu ku eedayay koox ay Ukraine u adeegsatay weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Moscow.