Maleeshiyaad Xirtay Wadada u dhexeysa degmooyinka Guriceel & Matabaan

Wararka Imaanaya  gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in  kooxo maleeshiyo Beeleed ah ay xirteen wada u dhexeysa degmooyinka Matabaaan & Guriceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan & Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in uu Hakad ku timid isku socodka  Gaadiidka Xamuulka ee isaga kala goosha gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Maleeshiyaadka Xirtay wadada y dhexetsa Guriceel  iyo Matabaan ayaa ka soo jeeda degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan .

Lama oga illaa hadda sababta Maleeshitada ay  u xirteen wadadaasi mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.