Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska mid Cusubna Magacaabay

SAWIRADA TALIYIHII HORE MIDIG IYO TALIYAHA CUSUB BIDIX

Madaxweynaha Maamulka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, iyada oo xilkii laga qaaday taliyihii Booliska Puntland Cabdi yare.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo horay u ahaa Taliyaha Booliska dekadda Boosaaso.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD