DHAGEYSO: Madaxweynaha Puntland oo ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u soo ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo ka qayb geli doona shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo noqonaya  shirkii ugu dambeeyey ee lagu dhameystiri doono arrimaha la xiriira Doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona bilaha soo socda.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo sagootiyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, xikdhibaano, saraakiisha ciidanka iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta kula hadlayey Garoonka Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in uu Magaalada Muqdisho uga qayb geli doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo lagu soo dhameystiri doono arrimaha qabyada ka ah hannaanka Doorashooyinka.

Ugu dambayn, Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Puntland  meel walba oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka Puntland.