Madaxweynaha Puntland oo hambalyo udiray shacabka Soomaaliyeed

Gaalkacyo-RisaalaFM- C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa hambalyo ku aadan Farxada Ciidul Fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyada Gaalkacyo ayaa Ilaahay  uga baryey in uu shacabka Soomaaliyeed ka dulqaado dhibaatada iyo daganaansho la’aanta, isagoo ugu baaqay shacabka oo dhan in ay daganaanshaha ka shaqeeyaan.

Madaxweynuhu wuxuu faray Shacabka oo dhan in ay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si looga hortago falal amaan daro oo mararka qaar dhaca.

Maalinta beri ah ayaa la rajeynayaa in dalalka Ilsaamka guud ahaan looga dabaal dego Munaasabadda maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga.