Madaxweynaha oo shacabka kala qeyb galay Tukashada Salaada Ciida

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Kumanaan dadweyne ah oo Salaadda Ciidda Maanta ku soo tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa ka hadlay Marxaladda uu maanta dalka ku suganyahay iyo dagaalka Argagixisada, isagoo hambalyo u diray guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn Alle weydiistay in uu naga aqbalo Cibaadadii aan soo sammeynay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, wuxuuna kula dardaarmay shacabka soomaaliyeed in ay isku samafaalaan oo gacan la siiyo qoysaska Taagta daran ee maanta caruurtooda aysan la ciideynin kuwa ilaahay wax siiyay.

“Umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah Waajibaadkii ay soo sammeeyeen alle haka aqbalo, waxaan isugu dardaarmeynaa in laga wada farxiyo maanta dadka liita ee aan awoodin in ay farxadda la qeybsadaan dadka uu ilaahay u nicmeeyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku soo hadlay qaaday dadaalka loogu jiro dhismaha dowladnimada iyo dib usoo kabashada Dalka isagoo shacabka soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garabtaaganyihiin dowladdooda.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyay Masjidka Isbaheysiga Islaamka ku soo gabagabeeyay Hambalayada Ciidda ee uu u dirayo shacabka Soomaaliyeed meel walba uu ku suganyahay gudaha iyo dibaddaba.

1---- 2----- 3------ 4-----