Madaxweynaha oo furay kalfadhiga 2-aad ee Aqalka Sare

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah u furay Kalfadhiga labaad ee xubnaha Golaha Aqalka Sare ee dalka.

Munaasabadda lagu furayay kalfadhiga labaad ee Aqalka Sare oo ka dhacday Dhismaha Xubnaha Aqalka Sare oo ku taalla meel aanan ka fogeyn xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee ku taal aaga KM0 ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha dalka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Galmudug, Xubnaha Beesha Caalamka, Mudanayaasha Baaralamaanka Aqalka Sare iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa khudbadiisa uga hadlay waxqabadka xildhibaanada Aqalka Sare kalfadhigii koowaad, wuxuuna sheegay in xildhibaanada Aqalka Sare ay safaro aqoon kororsi ah u aadi doonaan wadamada caalamka ee ku dhisan Federaalnimada.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Aqalka Sare in uu yahay qeyb ka mid ah Dowladnimada ummadda Soomaaliyeed, Guddoomiyeyaasha labada Golena ay heystaan fursad ay wax badan ku qaban karaan.

Ugu dambeyntii Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbadiisa furitaanka ku sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay ka sugayaan xildhibaanada Aqalka Sare howlo muhiim ah, lagana sugayo in ay dardar geliyaan shaqadooda, si Soomaaliya ay uga bixiyaan rajo xumada.

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweyne Farmaajo xildhibaanada Aqalka Sare in lagfa sugayo in ay dalka ka dhaliyaan dheeli tirka iyo xasiloni siyaasadeed.

Aqalka Sare ee dalka ayaa waxaa hor yaalla sharciyo kala duwan oo muhiim u ah dalka, kuwaasi oo u baahan in la meel mariyo.