Qarax Gaari oo ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo casir liiqii maanta ka dhacay Degaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa waxa uu ahaa Dheyne ama Gaadiidka waa weyn ee xamuulka qaada, wuxuuna siday Dhuxul, jugta Qaraxa waxaa laga maqlay degaanada ku dhow halka uu Qaraxa ka dhacay.

Gaariga Qarxay ayaa waxaa horey gacanta ugu dhigay Ciidanka ammaanka, kaasi oo ku jiray Parking.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku geeryootay Saddex Qof, halka Sideed Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

Dadka ku qaxyeeloobay Qaraxan ayaa waxa ay qaarkood saarnaayeen Gaari BL-ah, halka qaarka kalena ay la socdeen Mooto Bajaaj, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Masuuliyiinta Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa Risaala u sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, kana soo qaadeen dadkii ku waxyeeobay Qaraxaasi, kuwaasi oo la soo gaarsiiyay Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

“Gaariga Qarxay nuuciisa waa Dhayne oo aan gacanta ku dhignay, baaritaano dheeraad ah ayaa ku socday, wuu Qarxay dad shacab ah ayay waxyeelo ka soo gaartay” Sidaas waxaa Risaala u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda.

Ilaa hada war rasmi ah lagama hayo in gacanta lagu hayo raggii watay Gaarigaasi.