Muqdisho-RisaalaFM- Agaasimaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdi Xaaji ayaa faah fahin ka bixiyay halka uu marayo dadaalada ku aadan adeeggii Internetka.
Adeegga Internetka ayaa dalka ka maqan mudo ka badan laba Todobaad, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.
Axmed Cabdi Xaaji oo la hadlayay Risaala ayaa sheegay qorshaha in uu yahay Adeegga Internetka in la helo wixii ka dambeeya maalinta Jimcaha ee dabayaaqada Todobaadkan.
Wuxuu sheegay Markabkii iyo shaqaalihii hagaajin laha Internetka in ay ka soo ambabaxeen dalka Cumaan, maalmaha soo socdana ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.
Maqnaashaha Internetka ayaa saameyn weyn ku yeeshay guud ahaaan dalka, gaar ahaan xarumaha Dowladda, Hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo xarumaha ganacsi, sidoo kale Dowladdu waxay sheegtay in maalinkii ay qasaarto 10,0000 Million oo Dollar, maqnaashaha Internetka awgeed.



